Qarax khasaaro kala duwan geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada (Khasaaraha)

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degaanka Buulalow oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi gelinkii dambe ee maanta qarax lagula eegtay ciidan ka tirsan dowladda federaalka.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Gaariga qaraxa miino lala eegtay ayaa ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse markii uu halkaasi marayey ay miinada haleeshay.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa la sheegay inay tahay dhimashada Darawalkii waday Gaariga oo ahaa Askari iyo haweeney la socotay, halka laba Askari oo kale ay ku dhaawacmen Qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo gurmad u fidiyey ciidamadii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Askarta ku dhaawacantay qaraxan ayaa waxaa la keenay isbitaalka magaalada Afgooye, halkaasi oo lagu dabiibayo, sida ay inoo sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Xaalada deegaanka uu ka dhacay Qaraxa ayaa hadda ah mid degan waxa ayna dadku yihiin kuwo dareemaya cabsi maadaama ay kordheen Qaraxyada iyo weerarada.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com