Guddi BF ah oo difaacay XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dhinaca arrimaha dibadda ayaa difaacay ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud uu ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar Cabdifataax Asiisi.

Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in madaxweynaha uu xaq u lee yahay in uu ka qeybgalo xafladii lagu dhaarinaayay madaxweynaha cusub ee Masar isla markaana aanu wax dhib la imaan karin arrintaas marka loo eego calaaqaadka dowladda iyo duwladaha carabta.

Dalxa oo aad ugu dhuun daloola arrimaha carabta ayaa sheegay in qadiyadda Masar ka taagan aysan isku aragti ka ahayn waddamada carabta, “Marka ma jirto wax naga quseeyo Qadar iyo waddamo kale, oo Soomaaliya waa dal madax banaan” ayuu yiri .

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan uu ku saxan yahay in uu ka qeybgalo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar oo ay ka soo qeybgaleen madax badan oo qaar ay ka socdeen waddamada carabta.

Si kastaba, dhaliilo badan ayaa loo soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com