Guddiga doorashada heer federal laalay kursi maanta la qabtay doorashadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa waxba kama jiraan ku sheegay natiijada doorashada kursiga HOP#204, kaasi oo saaka doorashadiisa uu qabtay Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

Kursiga HOP#204 ayaa kamid ahaa kuraas uu maanta qabtay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed, wuxuuna guddigu sheegay inuu ku guuleystay Isaag Cali Subag.

Go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in kursigaas aan loo marin habraacii saxda ahaa, islamarkaana uusan waxba iska badalin mowqifkii guddiga ee lagu hakiyay kursigaas.

“Go’aan kasoo baxay Guddiga Doorashada oo waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada kursiga HoP#204 aan loo marin habraacii saxda ahaa, sidaas darteedna aysan waxba iska beddalin go’aankii hakinta ee ka soo baxay Guddiga FEIT, natiijadiisuna ay tahay waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Axadii ayey aheyd markii uu guddiga doorashooyinka heer federaal uu hakiyay doorashada kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#204, waxaana maalin kadib fasaxay Madaxa Guddiga FEIT ee maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo lagu xalaaleysanayay doorashada kursigaas oo maanta dhacday.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kursigaan inta laga xalinayo cabashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Halka qoraalka kasoo baxay Madaxa Guddiga FEIT ee Koonfur Galbeed lagu yiri “Xubnaha FEIT ku qoran KGS hubita, kormeerida iyo fulinta heshiisyada 17 September iyo habraacyada doorashada waxay cadeynayaan in loo marey si uu dhigayo habraacyada doorashada Golaha Shacabka, sidaas awgeedna yahay fasax in la qabto doorashada kursigaasi waqtiga loo madley.”

Kursigaan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna muran baahsan, ayada oo ay soo baxeysay in maamulka Koonfur Galbeed uu shaqsi gaar ah u xiray kursigaas, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.