QOOR QOOR oo war cusub kasoo saaray doorashada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa war ka soo saaray doorashadii xildhibaanada golaha shacabka ee galabta lagu soo gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

3-dii kursi ee u dambeysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Galmudug ayaa galabta lagu doortay Gaalkacyo, waxayna Galmudug sidaas ku noqotay maamulkii labaad oo waqtigeeda ku soo gabagabeeya doorashada.

Axmed Qoor Qoor ayaa qoraalka uu soo saaray ugu hambalyeeyay dhammaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulkiisa, “isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug.”

Qoraalka Qoor Qoor ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug.”

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa balan-qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda ‘dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta maamulka’ sida lagu sheegay qoraalkaan.

Koonfur Galbeed ayaa saacado kooban Galmudug uga horeysay inay soo gabagabeyso doorashada xildhibaanada, iyadoo maanta 7-dii xubnood ee u dambeysay lagu doortay magaalada Baydhaba.

HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo dhameystirin xubnaha deegaanadooda ka soo gelaya golaha shacabka, waxaana maanta ku ekaa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo mudo dheer soo jiitameysay.