Guddiga doorashada Jubbaland oo kalsoonidii lagala laabtay + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Musharraxiinta Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala laabteen guddiga doorashada maamulkaasi.

Musharraxiintan ayaa tilmaamay in xubnaha guddiga ay garab u yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay u Ololeynayaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen inay hareer mareen habraaca doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo sheegay in waajib ay aheyd in korjoogto ka noqdaan dowladda federaalka  Soomaaliya iyo beesha caalamka.

“Kalsoonidii waan kala laabanay guddiga doorashada Jubbaland, haddii doorasho dhacdo natiijadii ka soo baxdo ma aqbali doono.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Daqare oo ka mid ah Musharixiinta isbeddel doonka ah.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay guddiga doorashooyinku ay soo saareen shuruudo adag oo la hordhigay Musharraxiinta sanadkan u tartamaysa hoggaanka sare ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Isdiiwaan gelinta ayaana shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo, taas oo ku eeg  beri oo Sabti ah taariikhduna ay tahay 20-07-2019-ka.

Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com