DF Somalia oo ciidamo geysay deegaan hoostaga Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa Xeraale geysay ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga, gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamadani ayaa durbo fariisimo cusub ka sameystay gudaha deegaankaasi.

Generaal Yuusuf Kaanti oo ah taliyaha qeybtaasi ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan karti, dul-qaad iyo mas’uuliyad dheeri ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada dowladdu islamarkiiba howlgallo amni xaqiijin ah ay ka bilaabeen halkaasi.

Waxgaradka deegaanka Xeraale ayaa horay askar, gaadiid iyo hub ugu wareejiyey dowladda, kadib markii u booqsho ugu tagay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii ciidamada dowladdu ay la wareegeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com