Warbixino: Meydka Saddam Xuseen oo lasoo faagay

Baghdad (Caasimada Online) – Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa lagu sheegay in lasoo faagay meydka madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Saddam Xuseen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dadka deggan xaafadda Al-Awja ee ku dhow magaalada Tikrit – oo ah halkii uu ku dhashay Saddam iyo goobta lagu aasay – ay soo faageen meydka islamarkaana ku aaseen goob kale oo qarsoodi ah.

Website-ka Al-Arabiya ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin oo ku sugan Ciraq kasoo xigtay in dadka deegaanka ay meydka soo saareen kadib markii ay ka war-heleen in ciidamada Shiicada Ciraq sida militariga u tababaran ee Hashed al-Shaabi ay qorsheynayeen inay bom ku garaacaan magaalada si ay uga qabsadaan kooxda Daacish.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sidoo kale lasoo faagay meydadka labadii wiil ee Saddam ee Qusay iyo Cuday, islamarkaana lagu aasay goob qarsoon.

Sanaddii 2015, dhismada qabriga Saddam Xuseen ayaa waxaa burburiyey duqeyn ay la beegsadeen ciidamada isbahaysiga ee Hashed al-Shaabi, kadib markii loo sheegay inay gacanta ku dhigaan.

Si kastaba, qabriga ayaa waxaa laga waayey meydka Saddam, waxaana kadib la ogaaday in dadka deegaanka ay ka saareen kuna qariyeen goob kale.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com