Guddiga doorashada oo isku khilaafay hakinta kursiga loo xiray Fahad Yaasiin – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer federal ayaa isku khilaafay in la hakiyo doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray la-taliyaha amniga qaranka Farmaajo iyo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaal, guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle oo ku xiran ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagala hadlay inuu joojiyo doorashada kursigan, taasi oo uu aqbalay. 

Kadib inta badan xubnaha guddiga doorashada ayaa Arbacadii ka shiray kiiskaan, laakiin Muuse iyo xubnihii ku aragtida ahaa waa laga diiday soo jeedintaas, waxayna xubnaha kale ku doodeen inay jiraan kuraas badan oo la boobay oo xafiiska Rooble uu diiday in la hor istaago.

Waxaa xigay ayada xalay dhinac ka mid ah guddiga, oo uu hoggaaminayo guddoomiye Muuse ay soo saareen warqaddii lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, ayada oo aan loo dhameyn, taasi oo qabsatay baraha bulshada.

Qoraaka kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Si kastaba, saacad kadib waxaa mareegtii facebook ee guddiga la wareegay koox ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia iyo Fahad, kuwaas oo soo saaray warqad lagu beeninayo qoraalkii hore, laguna sheegay inaan la hakin kursigaas.

Warqaddaas ayaa lagu yiri “GHDHF wuxuu cadeynayaa in ay waxba kama jiraan tahay warqadda lagu baahiyay baraha bulshada ee wadatay saxiixa Gudoomiyaha taas oo lagu sheegay Hakinta kursiga sumaddisu tahay HOP#086 kana mid ah kuraasta ay shaaciyeen Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle (BALEDWAYNE).”

“Hadaba GHDHF wuxuu Farayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Hirshabelle in ay waajibaadkooda gutaan, siina wataan shaqada adag ee hortaalla.”

Ilaa hadda ma cadda sida xaalku noqon doono, balse waxay u egtahay in Fahad iyo kooxdiisa ay ka go’an tahay in doorashada kursigan la qabto, islamarkaana Axadd Fahad uu noqdo xildhibaan.

Halkaan ka akhriso warqada hore iyo tan dambe