Ciidamo horleh oo diyaarad lagu geeyay Beledweyne kahor doorashada Fahad

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaartay diyaarad siday ciidamo badan oo la sheegay inay ilaalo u yihiin Fahad Yaasiin.

Ciidamadan ayaa markii hore ka ambabaxay garoonak diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, waxayna hordhac u yihiin safarka La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo uu ku tago Beledweyne.

Kursiga uu rabo Fahad Yaasin ee HOP#086 uu haddana ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxay doorashadiisu qabsoomi doonta 20-ka bishaan oo ku beegan maalinta Axada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goor hore oo maanta ah Beledweyne la geeyay ergadii Fahad Yaasiin, kuwaasi oo la dajiyay goob amnigeeda aad loo adkeeyay, taasi oo ku taalla agagaarka xerada AMISOM ee deegaanka Ceeljaalle.

Sida uu qorshuhu yahay Fahad ayaa u gudbi doonin gudaha magaalada, waxaana la filaya in uu halkaas gaaro maalinta Axada, ayada oo doorasho u eegta uu ku qaadanayo kursigaas lagu qaban doono gudaha xerada AMISOM.

Kursiga Fahad ayaa waxaa ka taagan cabasho xoogan, ayada oo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal uu hakiyay qabashada doorashada kursigaas, inkasta oo uu ku gacan seyray go’aankaas Guddiga doorashada maamulka HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga heer federal ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Qoraalkaas ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijsay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa kadib la isku dayey in jahwareer lagu sameeyo warqaddaas.

Xubno ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta bogga facebook ee guddiga, halkaas oo lagu beeniyey warqadda kadibna lasoo dhigay warqad kale oo lagu sheegay inaan la hakin kursiga HOP#086.

Guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal uu ku faafiyey barta twitter-ka iyo warbaahinta qaranka ku xaqiijiyey in la afduubtay bartooda facebook, waxayna ku adkeysteen inay sax tahay warqadda lagu hakiyey doorashada HOP#086.