XOG: Yaa ka dambeeya hakinta doorashada kursiga loo xiray FAHAD YAASIIN

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey qabashada doorashada kursiga HOP#86, oo loo xiray taliyihii hore ee NISA iyo la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka lagu hakiyey doorashada kursigan uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan horey u sheegnay inuu waday qorshahan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, wuxuuna ku amray in dib loo dhigo doorashada kursiga HOP#086 oo la filayey inay Beledweyne ka dhacdo Axadda.

Rooble ayaa guddoomiyaha u sheegay in tartanka kursigaan la qaban doono marka uu dalka dib ugu soo laabto xildhibaankii ku fadhiyey ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo mar kale rabo inuu u tartamo kursigan kaasoo hadda dalka uga maqan arrimo caafimaad.

Ma cadda haddii Rooble ay daacad ka tahay inuu doorashada kursigan la sugayo Faarax Cabdulqaadir iyo inuu ka dhigtay qiil uu ku beegsado Fahad, ayada oo ay u badan tahay midda dambe.

Rooble oo ay horey isku qabteen Fahad Yaasiin ayaa xoogiisa isugu geynaya sidii kursigan loo dhaafin lahaa Fahad Yaasiin oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, ama ugu yaraan loo gelin lahaa tartan furan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa kasoo jeeda Puntland, waxaana inuu xilkan helo kaalin weyn ku lahaa Rooble, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu hadda guranayo miraheeda.

Si kastaba, guddiga doorashada heer federal ayaa isku khilaafay arrintan, ayada oo ay kasoo horjeesteen xubno ka mid ah guddiga, kuwaas oo beeniyey sax ahaanshaha warqadda lagu joojiyey kursiga.

Sidoo kale, guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go’aankan, ayaga oo sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.