Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen xubnaha Beesh Caalamka ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan midda Golaha Shacabka, oo ay dalbadeen in si deg-deg ah loo dhameystiro.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xubnaha beesha caalamka ay si dhow ula socdaan doorashada, ayna ka warhayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoomtay.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.

“Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhammaan madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, ayada oo la xaqiijinayo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

“Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.”

“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay sida wada-jir ah u soo saareen xubnaha beesha caalamka.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah: Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.