UK oo si adag uga hortimid tallaabo ay qaaday Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si adag uga hortimid dilkii ay Arbacadii xukuumadda Somaliland ee hogaamiyo Muuse Biixi ku fulisay afar askari oo loo haystay dilka askar kale.

Marwo Lizzie Walker oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay xukunka dilkaas, ayada oo sheegtay in uu meel ka dhac ku yahay qofka bini-aadamka ah.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagan tahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta,” ayey tiri Lizzie Walker.

Sidoo kale waxay hadalkeeda intaas kusii dartay “Ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha. Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada.”

Walker ayaa sheegtay in marnaba aysan Somaliland ku taageeri doonin tallaabooyinka noocaas ah, ayada oo soo jeedisay in gebi ahaanba meesha laga saaro.

Ma aha markii u horeysay ee UK ay kasoo horjeesato xukun dil ah oo ay fulisay xukuumadda Somaliland, waxayna qeyb ka tahay wadamo reer galbeed ah oo inta badan aad uga qeylo dhaamiya markii la meel-mariyo xukun qisaas ah.