Daawo: Dibad-bax ka dhan ah’ tallaabo uu qaaday’ Rooble oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha reer Fiqi oo ka dhalatay beelaha Banaadiriga ayaa maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne, iyagoo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeynaya inuu qof gaar ah u boobayo kursiga xildhibaan ee golaha shacabka ay ku leeyihiin.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ahaa xubnihii goobta uu banaan-buxu ka dhacay warbaahinta kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey hanaanka loo qorsheeyey boobka ay sheegeen in kursigaas lagu hayo.

Kursigaas oo tirsigiisu uu yahay Hop#034, ayaa waxgaradka beesha Fiqi waxay si gaar ah ugala shireen Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii ay ka war heleen in guddiga doorashada kuraasta reer Banaadiriga lagu amray inay u wareejiyaan beesha Reer Sheekh oo isla beelaha Banaadiriga ka dhalatay.

Guddoomiyihii hore ee Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in markaas kadib uu Ra’iisul Wasaare Rooble guddiga doorashada ku amray in kurisgaas qoondo dumar laga dhigo, sidoo kalena loo xiro gabar u dhaxda madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay inay yasmo u qaateen erayga Gember oo ra’iisul wasaare Rooble uu aad ugu celceliyey intii ay cabashada kursigaas kala shirayeen odayaasha beesha reer Fiqi.

“Beel iyo qabiil wax la yiraa ayaan leenahay, laakiin erayga Gember waxa uu Rooble ula jeeday waan gara weynay, balse waxaan u fahanay inuu dadkaan aad u yasaayo oo wax-matarayaal uu u yaqaano,” ayuu yiri guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu u yeeray guddiga doorashada kuraasta Banaadiriga, kuwaas oo jadwalkii doorashada soo saaray bishii December 2021-kii, “Ilaa maanta doorashada Banaadiriga Rooble ayey u xayiran tahay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in guddiga loogu hanjabay in la kala diri doono, hadii ay isku dayaan inay doorasho qabtaan, “Rooble guddoomiyaha guddiga ayuu u yeeray, waxuuna u sheegay in hadii jadwalka uu soo saaray aysan u fulineyn uu kala diri doono.”

Ugu dambeyntii guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in markii xubnaha guddiga ay ka cagajiideen dalabka Rooble, loo soo diray nin ku heyb ah ra’iisul wasaaraha iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo dil ugu hanjabay xubnaha guddiga Banaadiriga, sida uu sheegay guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne.

Odayaashii iyo siyaasiyiintii maanta isugu soo baxay degmada Xamarweyne ayaa ku qeylinayey inay kursiga Hop#034 ka dhacday beesha Sacad Habargidir, iyagoo cod dheer ku dalbaday in la xushmeeyo oo aan lagu xad gudbin xuquuqdooda siyaasiga ah.

Hoos ka  daawo