Sawirro: Fahad Yaasiin oo gaaray Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore NISA, ahna la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goor dhaweyd ka dagay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo la filayo inuu kasoo qaato Kursiga HOP086.

Safarka uu Fahad Yaasiin ku tagay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku wehliyo gacan yarihiis xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, iyadoo tagitaanka maanta ee magaalada ay ku soo aadeyso qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo qaato shahaadada musharaxnimo ee kursigii OP086 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadda Dalka uga maqan arriimo dhanka caafimadka ah.

Berri ayaa la filayaa in la qabto doorashada kursiga OP086 oo lasii og yahay inuu kusoo bixi doono Fahad Yaasiin, iyadoo Ergadii dooran laheyd ugu diyaarsan yihiin garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.