Guddiga FEIT oo go’aan ka gaaray halka ay ka dhaceyso doorashada kursigii Aamina

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa caawa go’aan rasmi ah ka soo saaray wareejinta kuraas deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne, kuwaas oo hadda lagu soo dooranayo magaalada Jowhar.

Labadaan kursi oo mid ay horay ugu fadhisay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo Beledweyne lagu dilay ayaa kala ah, HOP#009 iyo HOP#135, kuwaas oo aan weli lasoo dooran.

Doorashada kursiga HOP009 ayaa 24-kii bishaan April ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana ku guuleystay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isagoo ka guuleystay xildhibaankii shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigaas, waa Sheekh Cabdisataar Cabdsalaan Sheekh Xasan Barsane.

Guddiga ayaa doorashooyinka heer federaal ayaa ogolaaday codsiyo uga yimid guddiga doorashada HirShabeelle iyo Ugaaska beesha iska leh kursiga HOP009, kuwaas oo soo jeediyey in doorashada kursigaas oo lagu qabtay Jowhar loo sharciyeeyo.

Sidoo kale guddiga FEIT ayaa qoraalkaan ku cadeeyey in arrimo amni dartood Jowhar loogu wareejiyey doorashada kursigii Marxuum Aamina Maxamed Cabdi ee HOP135.

Qodobada loo cuskaday wareejinta kuraastaan waxaa ugu waaweyn in magaalada Beledweyne loogu laaba waayey xaalado amni dartood iyo in kuraastaan doorashadooda la dedejiyo, si doorashada Madaxweynaha aysan uga harin.

“Iyadoo la tix-raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 iyo ansixintii labada aqal ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo qeexaya in maamulaka goboleedka HirSHabeele doorashada lagu qabto Jowhar iyo Beledweyne. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada labada kursi ee kor ku xusan laga wareejiyey Beledweyn loona wareejiyey in doorashadooda lagu qabto Magaalada Jowhar,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Hoos ka akhriso go’aanka oo faahfaahsan