Guddiga FEIT oo war cusub kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta war cusub kasoo saaray munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee labada aqal ee baarlamaanka, taas oo loo qorsheeyey 14-ka bishan aynu ku jirno April.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dhaarinta ay dhaceyso maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyada oo lagu wargeliyey dhammaan xubnaha baarlamaanka.

“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin culus u diray xildhibaanada dooran, wuxuuna ka dalbaday inay isugu yimaadaan hoolka Teendhada ee Afisooni abaare 10:00AM,.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha baarlamaanka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay ilaaliyaan waqtiga, isla-markaana ay soo xaadiraan.

Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni. Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga FEIT.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo aan weli xal loo helin tabashada Koonfur Galbeed oo gebi ahaan xiriirka u jartay ra’iisul wasaare Rooble, walow haatan ay socdaan dadaallo garwadeen ka yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse guddiga FEIT iyo Rooble oo mas’uul ka ah doorashada ayaa ku adkeysanaya qabashada dhaarinta xildhibaanada.