Guddigii dowladda ay u xi lsaartay dhacadadii Bariire oo gaaray deegaankaas

Bariire (Caasimadda Online) – Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa gaaray deegaankaas sida uu Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ah gudoomiyaha gudigan.

Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.