Guddoomiyaha Baarlamaanka JABUUTI oo kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta uu Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dago Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaaya Xubno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Jabuuti.

Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiinta la socta ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweyn doona dhigiisa Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Xildhibaanada uu hoggaaminaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku sugnaan doonaan Muddo Seddex Cisho ah, iyadoo shirka Golaha Baarlamaanka ee Somalia uu ka jeedin doono Khudbad.

Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa Jabuuti uu Khudbad u jeedin doono Xildhibaanada BFS maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo heysa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Jawaari waxa uu Xildhibaanada BFS ku wargaliyay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye Jawaari  uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa sheegay in imaanshiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ay ka marqaati kici doonto sida uu usii xoogeysanaayo xiriirka labada Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com