Daawo Feysal Waraabe: Doorashada Somaliland qaab beeleed ayey u dhacdey

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Guusha hogaamiyaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynaha Shanaan ee maamulka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay waxyar uun kadib markii lagu dhawaaqay guusha xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in doorashadu u dhacday qaab Qabiil loo ekaysiiyay hal qof iyo cod, wuxuuna intaas ku daray in isaga ay u codaysay Beeshiisa uuna u hambalyaynayo.

“Horta doorashadu waa doorasho dimuqraadi ku dhacday, waxayna ku dhacday qaab qabiil, hal cod iyo qof weeye qabiil ku dhacay, qabaa’il baa loo codeeyay ee looma codayn yaa dalkan wadi kara, kitaab looma codayn iyo yaa ilaahay ka baqaya,” ayuu yiri Waraabe oo hadalkiisa kusii daray isagoo qoslaya, “Waan hambalyaynayaa aniga Beeshaydii ayaa ii codaysay inkastoo la ila qaybsaday oo inbadan la iibsaday.”

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale shaaciyay inuu aqbalay natiijada doorashada isagoo u turaya shacabka iyo oofinta ballanqaadkii uu horay u galay iyo axdigii ay isla ogaayeen beesha caalamka ee ahaa inay ku qanci doonaan natiijada doorashada.

Waraabe ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in guul in KULMIYE iyo UCID ay ahaayeen Garab, halka WADDANI uu ahaa Somali-weyn wuxuuna yiri, “Markay anaga noo noqoto KULMIYE iyo WADANI, KULMIYE isku Kitaab baa nahay, WADANI-na wuxuu ahaa Somalila-weyn markaa guusha waan la leenahay, marka guusha Somaliland-deriska waan la qaybsanaynaa mar hadii aan jabinay xisbigii aan garan waynay qorshah uu ku socdo iyo jihada uu u socdo.”

Wuxuu hanjabaad u diray dad uu sheegay inay kasoo qaylinayaan London oo uu ku eedeeyay inay kala qaybinayaa shacabka, isagoo tilmaamay in sharcigu qaban doono.

Shacabka dabaal dagga dhigaya ayuu ugu baaqay inay guryahooda ku farxaan maadama xaalku kacsanyahay, isagoo intaas ku daray in hannaankii ay wax u dhaceen uu yahay mid ay ku faani karaan Soomaali oo dhan islamarkaana ka difaaci kara magac xumada loo galiyay caalamka.

Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo istaago sidii waddanka iyo shacabka loo midayn lahaa islamarkaana loo dhammaystiri lahaa arrimaha qabyada, wuxuuna uga digay inay dib ugu laabtaan wuxuu ugu yeeray “Sharciga Bisadaha” kaasoo uu ku macneeyay in dheeftay iyagu isku koobaan oo ay cabtaan shacabka Somaliland. Wuxuu ku goodiyay hadii ay taas dhacdo inay kala laaban doonaan wada-shaqaynta.

Isagoo sii waramaya wuxuu cadeeyay in Somaliland aysan ku kala qaybsanayn siyaasad ee ay ku kala duwanyihiin qabaa’il taasna dib ugu eegis lagu sameeyaa, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay qaabka loo dhisay dowladaha hoose kuwaasoo uu codsaday in wax laga badalo, sidoo kale shaqo loo abuuro dhalinyarada.

“Doorashadan sida ay u dhacday iyo nabadgalyada Somaliland oo dhan guul uma ahane, Soomaali oo dhan ayay guul u tahay, magaca Soomaaliyeed oo xumaaday oo loo yaqaan Soomaaliga inay yihiin dad Qayru mas’uuliin ah oo burcad ah, oo lagu xasuusto, isqarxin iyo argagixiso, ayaa ugu yaraan maanta la ogaan karaa in dad Soomali ah oo wanaagsan oo is ogol ay jiraan.” ayuu yiri Cirro.

Shacabka Somaliland ayuu ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ugu dulqaateen ololihii doorashada, wuxuuna yiri, “Waxaan aad iyo aad Shacabka Somaliland ugu hambalyaynayaa sida wanaagsan ee 21 cisho ee culaysku saarnaa ee islaanta Khudaarta iibinaysa khudaartii iibin wayda, ee ardaygu iskuulkii tagi waayay, ee Ololihii foosha xumaan ee aan galnay noogu dul qaateen, ayaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Hadalkan ayaa yimid xilli Murashaxa Xisbiga WADANI, uu isna aqbalay natiijada Doorashada isagoo tilmaamay inuusan ugu turayn KULMIYE ee uu daneeyay shacabka Somaliland.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com