Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Israsaaseyn xoog leh ayaa caawa ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, dadka dhaawacmay waxaa ku jira mas’uuliyiin.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay israsaaseyntaas, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu ku jiro, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Israsaaseynta sababtay khasaarahaan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo isgoyska Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen meydadka afar qof oo yaalla isgoyska Siinaay, inkastoo dadka nala hadlay aysan kala aqoonsan dadka dhintay shacab ama ciidan waxa ay yihiin, maadaama goobta lagu kala cararay.

Ma jirto cid shaacisay waxa uu ka dhashay khilaafka sababay in xabad la isla dhaco oo khasaaraha intaas la eg la isku geysto, waxaana xusid mudan in ciidanka isgoyskaas jooga ay maalin ka hor la dagaaleen ciidan kale oo ka tirsan militeriga.

Xaaladda isgoyska Siinaay ka jirta ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana aaggaas isaga cararay dadkii shacabka ah ee goobaha ganacsiga ku lahaa, maadaama suuq weyn uu ku yaallo isgoyska Siinaay.

Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin.