Maxkamadda sare oo loo gudbiyey dacwadda kursiga HOP#086 iyo go’aankeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashixiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay loogu diiday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo bulshada ay kula wadaagayaan in Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyeen dawacd ka dhan ah doorashadii kursigaas.

Si kastaba, waxay sheegeen in maxkamadda ay ka qaban waysay dacwaddii ay diyaariyeen qareennadii ay u qabsadeen inay difaacaan kiiska is hortaag ay sheegeen in lagu sameeyay in tartan furan loo galo kursigaas.

Musharaxiinta war-saxaafadeedkaan soo saaray oo shan xubnood gaaraya ayaa sheegay in Xoghaynta Maxkamaddu ay cudur-daar uga dhigeen qabasho la’aanta dacwadda, maqnaashaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo ku simihiisa, ayagoo qareennada u sheegay inay berri soo noqdaan si hoggaanka sare ee Maxkamadda looga helo ogolaanshaha qabashada dacwadda.

“Tallaabadan ayaa waxay keenaysaa in waqtigii uu sharciga noo ogolaa inaan dacwadda ku gudbinno uu dhaco kaasoo ku eg 10-ka barqannimo ee barri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28ka Febraayo 2023,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Qodobka 4-aad ee qaraarka buuxinta kuraasta bannaan ee kasoo baxay guddiga joogtada ah ayaa dhigaya in go’aannada la xiriira doorashooyinka kuraas buuxinta ee uu gaaro guddiga doorashada kuraasta bannaan in racfaan looga qaadan karo Maxkamadda Sare

Musharaxiintaan cabashada qaba ayaa sidoo kale sheegay in maanta “si sharciga baal marsan xilka xildhibaannimada loogu dhaariyay murashixii kursiga loo xiray” sida ay hadalka u dhigeen, iyadoo ay habraacyada doorashada dadban dhigayaan inaan la siin karin shahaadada, lana dhaarin karin, inta laga hubinayo in kursiga laga soo gudbiyo dacwad iyo in kale muddo 3 cisho ah oo ka bilaabanaysa saacadda iyo maalinta doorashada la qabtay.

“Murashixiintu waxay halkaan ka caddeynayaan in lagula dhaqmay hab aan waafaqsanayn shuruucda dalka, xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xeerarka garsoorka dalka, iyagoo markii hore loo diiday inay ka qeybgalaan tartanka doorashada, maanta ay Maxkamaddii Sare ee dalka ay u ekaatay mid ka meermeereysanaysa qabasha dacwadda oo ah xaq dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Shanta musharax ee bayaankaan cabashada ah soo saartay ayaa kala ah :

  1. Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane)
  2. Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis
  3. Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin
  4. Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan)
  5. Cabdinuur Maxamed Axmed

Kursigaan oo noqday kii ugu muranka iyo dagaalka badnaa kuraasta baarlamaanka 11-aad ayaa maalmo ka hor waxaa loo doortay Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo ay doorteen 98 xubnood oo ergo ah.