28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Guddoomiyaha Gobalka Sh Hoose oo dagaalka No.50 ku eedeeyay DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa caawa ka hadlay dagaalka maalintii labaad ka socda deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu guddoomiye Siiddii wuxuu sheegay in xaaladda Lambar 50 ay caawa deggan tahay isla mrkaana ciidamadii soo weeraray ay dowladda ku wargalisay in ay ka soo baxaan deeganka.

Wuxuu sheegay in deeganka ay ku dagaalameen ciidamo dowladda kawada tirsan kuwaasoo ay ku jiraan ayuu yiri kuwa millitari ah.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada soo weerarray deeganka aaney lagu soo wargalin isaga wuxuuna intaas ku daray in Gen Gaafow, Gen Goobaale iyo wasaaradda gaashandhigga aaney u sheegin in ciidamo la keenayo deeganka.

Wuxuu sheegay in dowladda ay ka sugayaan iyo saraakiisha ciidamada ee gobalka Shabeellaha Hoose sababta keentay in ciiidamo millitari ah loo soo diro deegan leh maamul iyo ciidamo gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn guddoomiye Siidii wuxuu tilmaamay in deeganka lagu dagaalamay ay ka dhacday dhibaato oo naf iyo maal isugu jirta.

“Gobalka Anniga ayaa guddoomiyihiisa ah, madaxa ammaanka waa anniga, marka la soo diraayo ciidamo waa la ii soo sheegi jiray, laakin cid isoo wacday ma lahan, Goobaale iyo Gaafow in wax xiriir ah aysan ila soo sameen ma aqaano arrintaas”ayuu yiri Siiddii.

Wuu sii hadlay “Ciidamado waa la keeni karaa gobalka, laakin ma aqaano haddii ay kala kasi waayeen Qoryooley iyo Lambar 50 ama Baraawe iyo Lambar 50” ayuu markale yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News