Muqdisho (Caasimada Online) – Muranka u dhexeeya Madaxda DF ayaa weli taagan iyadoo labada mas’uul ay kulamo kala gooni-gooni ah la leeyihiin Xildhibaanada DF si mid walba uu kalsooni uga helo, xilli Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu doonay in Ra’iisul Wasaaruhu uu is-casilo.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay 24-kii saac ee aynu soo dhaafnay ay wadeen kulamo gooni-gooni ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ku adkeysanayo in lagu dhameeyo khilaafka dastuurka.
Xildhibaano la kulmay Ra’iisul Wasaaraha DF Saacid Faarax Shirdoon ayaa u sheegay Warbaahinta in Mudane Saacid uu ku adkeysanayo in dastuurka ay ku kala baxaan isaga iyo Madaxweynaha.
“Markii aan Saacid la Kulanay wuxuu noo sheegay inuusan xilka ka dagayn oo uu ku kalsoon yahay Baarlamaanka, uuna doonayo in khilaafka lagu kala baxo” ayuu yiri Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa oo la kulmay Saacid.
Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonay in arrintooda Baarlamaanka loo bandhigo, ayna ka go’an tahay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.
“Waxaan ogaanay in Khilaafka Madaxweynaha DF iyo Ra’iisul Wasaaraha uu ka dhashay is-qabqabsi ka taagan dhinaca Magacaabista Golaha Wasiirada, runtiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaq u leh Madaxweynaha khalad ayay ku tahay inuu soo farageliyo” ayuu yiri xildhibaanka.
Dhanka kale Xildhibaano iyaguna la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu Ra’iisul Wasaaruhu Is-casilo taasoo uu sheegay inuusan ka laabanayn.
“Madaxweynaha way ka go’an tahay inuu is-casiloSaacid mana doonayo in lagu kala baxo Baarlamaanka, taasna waa dhibaato hore leh oo sii xoojisay muranka” ayuu yiri Mudane kale oo ka mid ahaa kuwii kulanka la yeeshay Madaxweynaha DF.
Khilaafkan ayaa maalinba maalinta ka Cirka isku sii shareeraya iyadoo uu ka baaqday Madaxweynaha Somalia Safaro uu dibada ku aadi lahaa, iyadoo uu dhawaan Afhayeenka Baarlamaanku sheegay in hadii ay labada mas’uul xal gaari waayaan uu Baarlamaanku go’aan ka qaadan doono Muranka taagan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

