Muqdisho (Caasimada online) Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal maanta mar kale ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha hoose , kaas oo u dhexeey ciidamo ka tirsan Mili tariga dowlada, balse kasoo kala jeeda Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.
Gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 C/laahi Waafoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid wali socda isla markaana ciidamadii Militeriga ay la wareegeen deegaanka Lambar 50 inkastoo dib looga saaray .
Wuxuu sheegay in magaalada dagaalkaasi saameyn aad u xoogan inay ku yeesheen isagoona tilmaamay in ciidamada dowladu ay magaalada ku garaaceen Madaa fiic xoogan waxaana sidoo kale uu ku eedeyay inay biliqo xoogan ka geysteen magaalada.
Ciidamada Milateriga ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Laanta Buuro ee Gobalka Shabeelaha hoose, maadaama dib looga soo saaray deegaanka Num-50.
Wararka ayaa sheegaya in Xaalada ay aad ukacsan iminka , waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal, maadaama ay helayaan gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaraya.
Khasaaraha dhabta ah ee dagaalka oo aan si rasmi ah loo hayn, ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in dadka geeriyooday ay gaarayaan ku dhawaad 12-ruux oo shacab ah, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo dagaalkaasi ka hadlay waxay sheegeen inay dal banayaan in deg deg ah dagaalkaasi loo joojiyo madaxda dowlada iyo hey’adaha amniguna ay ku dhaqsadaan wax ka qabashada arintan inkastoo wali dagaalkaasi aysan wax war ah kasoo saarin .
Halkaan Hoose ka dhageyso C/laahi Waafoow
Halkaan Hoose ka dhageyso qaar ka mid ah dadka deegaanka
Qaar ka mid ah dadka deegaanka
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho