Guddoomiye FILISH oo ku dhawaaqay go’aan farxad geliyey shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo  xalay si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sameeyey ballaan qaad farxad geliyey shacabka Caasimada.

Filish ayaa sheegay in uu si deg deg ah ku furi doono jidadka xiran ee Muqdisho, islamarkaana uu muhiimada saarayo dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka.

“Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in maamulkaygu shaqadiisa mida ugu muhiimsan ay tahey in aan laamaha amaanka kala shaqayn amaanka Caasimada, waxaan si deg deg ah u furi doonaan wadooyinka kala xiran ee Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri guddoomiye Filish.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ku shaqayn doono lix tiir oo muhiim u ah horumarka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan.

“Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah.” ayuu intaasi ku daray guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dalbaday inay la shaqeeyaan maaamulkiisa, kuna garbsiiyaan xoojinta nabad geylyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com