Xog: Cabsi laga qabo in DF ay Cumar Finish u adeegsato dagaalka Xaaji Muuse Suudi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado dedaalo ay dib ugu soo cusbooneysiineyso damaca dhulka uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Shirkado shisheeye ayaa la sheegay in lacag malaayiin dollar ah ay ku raadinayaan dhulka xeebta magaalada Muqdisho saaran ee uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow, waxayna damacsan yihiin in ay ka dhisaan xaafad yar oo ah sida Xalane oo kale.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in Cumar Maxamed Maxamuud “Finish” ay u adeegsato soo celinta dhulkaas oo ahaa dhul dan guud oo ay dowladihii hore ka iibiyeen Muuse Suudi Yalaxow. Cumar Finish ayaa ku beel ah Muuse Suudi.

“Ujeedada ugu wayn ee loo magacaabay Cumar Finsh, waa in uu soo celiyo dhulka uu dagan Sen. Muuse ee dowladda jaceel kale uma qabto guddoomiyaha cusub” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, codsadayna inaan la magacaabin.

Ma ahan arrin fudud, in Cumar Maxamed Maxamuud Finish loo adeegsado Muuse Suudi Yalaxow oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkastoo sanadihii dambe aysan jirin dirir iyo dagaalo u dhaxeeya Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” hadane waxaa jirtay dagaalo culus oo dhowr sano ka hor dhax maray labadaan hogaamiye oo ka tirsanaa hoggaamiyayaashii hore ee beelaha Muqdisho.

Murankii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmo ay dood taagneed kadib si iskeed ah u joogsatay xiisadaasi, mana jirto wax xal ah oo laga gaaray murankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com