Guddoomiye Mursal oo maanta la caleemasaarayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu caleemasaaro Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Caleemasaarka ayaa la filayaa inuu ka dhaco xarunta Booliska ee General Kaahiye, waxaana qeyb ka ahaan doona Madax kala duwan.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa caleemasaarka ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo wufuud caalami ah oo dalka Dibaddiisa ka imaanaya iyo xubno kale.

Caleemasaarka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona oo lagu martigaliyay Xubno ka socda Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Somalia.

Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka gaashaman ayaa waxaa saaka lagu arkayaa waddooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow xarunta General Kaahiye kuwaa oo la sheegay inay xaqiijinayaan amniga goobta ay ka dhaceyso caleemasaarka.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa xilka Guddoomiyenimo la wareegay Khamiistii ina dhaaftay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com