Xog: Waare oo wajahaya mowjado siyaasadeed oo ka dhan ah kursigiisa

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Hogaamiyaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa wajahaaya caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya baarlamaanka maamulka.

Waare ayaa caqabadahaani ku muteystay xuquuq la’aan uu dhigay labada Gole ee maamulka iyo waxqabadkiisa oo aad loo dhaliilay.

Xildhibaanada ugu badan ee maamulka ayaa ku goodinaaya in Hoggaamiye Waare ay si dhaqsi ah xilka uga qaadayaan, waxa ayna ku dhaliilayaan inuu dhaliilsaday aragtida Xildhibaanada iyo isla xisaabtanka oo uu diiday.

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabella ayaa Waare ku tilmaamay mid caqabad ku ah Horumarka maamulka, waxa ayna farta ku godeen inuu isdaba mariyay dhaqaale loogu tallo galay shacabka.

Mooshinka ka dhanka ah Waare ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada Federaalka kuwaa oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe.

Siyaasiyiinta gadaal ka riixeysa Mooshinka ayaa waxaa ku jira tirro u hanqal taageysa Kursiga uu iminka ku fadhiyo  Maxamed Cabdi Waare oo buuq uu ku furan yahay.

Docda kale, Waare qudhiisa ayaa isku uruursanaaya Xildhibaano ka difaaca kuwa Mooshinka kawada ee doonaaya inay ka tuuran xilka, wallow aanu cadeyn sida uu arrinku noqon doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com