Guddoomiye Mursal waa la bahdilay waana jawaabay

Inkasta oo arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia taasi oo keentay inuu soo celiyo guddiga maaliyadda baarlamanka, ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira qodob kale oo muhiim oo aan la yareysan karin.

Mursal waxa uu dareemay in lagu sameeyey bah-dil kadib markii xukuumadda ay adeegsatay labadiisa ku xigeen Muudeey iyo Mahad Cawad, kuwaasi oo guddiga maaliyadda BF kala diray isaga oo ku maqan dalka Turkiga.

Sida muuqata Mursal waxa uu dareemay in laga soo qaaday waxba kama jiraan, oo isaga oo maqan go’aan xasaasi ah lagu gaaray gurigii uu aabaha ka ahaa.

Xitaa haddii Mursal uu fikir ahaan noqon lahaa mid taageersan guddiga kal diristiisa, waxaa mar walba wax aan cuntameyn noqday in ayada oo xitaa aan la tashi lala sameyn la qaatay go’aan adag.

Kaaga sii daran’e waxaa arrinta sii dhabjisay wasiirka cayaaraha ahna xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, oo sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin kala dirista guddiga.

Hadalkaas ayaa u muuqda farrin loo soo dhiibay Khadiija, maadaama ay aad ugu dhowdahay ra’iisul wasaaraha, waxayna ahayd bah-dilaad iyo xushmad tirid lagu sameeyey Mursal iyo kursiga uu ka fadhiyo, waxaana qasab ku noqotay inuu jawaabo.

Sida muuqata xukuumadda ayaa isku dartay xisaab qaldan, maadaama ay aamintay in Mursal uu ku raaci doono go’aanka ay gaareen Muudey iyo Cawad, kana dul booday..

Sida ay ila-tahay haddii arrintan lala sugi lahaa Mursal, xukuumadda iyo xildhibaanada ku xiranna ay u dayn lahaayeen inuu asaga go’aan ka gaaro, Mursal kuma qasbanaan lahayn inuu maanta ku dhowaaqo go’aan kasoo horjeeda xukuumadda.

Waxaa xusid mudan in Mursal markii hore uu kursiga ku yimid taageero ay siiyeen xukuumadda iyo Villa Somalia, sidaas darteedna dad badan u haysteen nin aan qaadan karin go’aan aysan labadan dhinac raali ka ahayn. Haddii arrintan uu ka aamusi lahaa, wuxuu noqon lahaa qof shaqsi ahaan dhintay oo aan wax kasoo qaad lahayn, wuuna ku qasbanaa in ugu yaraan hal mar uu muujiyo inay talo ka go’do.

Mursal waa la bah-dilay waana jawaabay.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid