MURSAL oo 3 arrin la kulmi lahaa haddii uu taageeri lahaa kala dirista guddiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Haddaba dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan inuu Guddoomiye Mursal la kulmi lahaa seddex arrin haddii uu taageeri lahaa kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxayna kala yihiin:

1) – Mucaarad Xooggan:

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmi lahaa mucaarad xooggan oo dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka ah.

Wuxuu cadaadis xooggan kala kulmi lahaa Xildhibaanada mucaaradka ee aan Beeshiisa aheyn iyo kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ah Xildhibaano isku xiran isla markaasna leh hal mowqif.

Mursal ayaa dhexda ka geli lahaa mooshin ka keenis iyo mucaarad aaad u xooggan maadaama ay xiisadaan ka dhalatay buuq  iyo jahwareer siyaasadeed.

2) – Kalsoonida Beeshiisa

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa hadda Mursal u arko inuu yahay awoodda kaliya ee dowladda ugu jirto inuu yahay, haddii uu go’aanka kala dirista taageeri lahaana wuxuu weyn lahaa kalsoonida Beeshiisa.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Mursal u arki lahaa inuu yahay nin la heysto ah isla markaasna aan laheyn go’aan uu ku Matalo dadka Soomaaliya iyo Beesha uu kasoo jeedo.

Arrintaan ayaa aheyd tijaabo ay Beeshiisa ku ogaan laheyd hal beegga siyaasadeed ee Mursal iyo qaabka uu u maareyn karo haddii ay dalka soo wajahdo Khilaafka Baarlamaani ah.

3) – Xukuumadda oo uusan garab ka heli lahayn

Kaliya xukuumadda iyo Mursal iskuma khilaafsano kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya balse waxaa la isku heystaa Ciidamadii dhawaan la geeyey Baydhabo iyo cadaadiska ay dowladda Soomaaliya ku heyso Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mursal ayaa ku adkeystay in Roobow uu sharci ahaan u tartami karo Doorashada isla markaasna aysan dowladda qaadin tallaabo ka dhan ah oo doorashada looga reebayo.

Haddii xataa uu Mursal taageeri lahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda wax sumcad ah kama heli laheyn xukuumadda maadaama weli la isku heysto arrinta Roobow uuna ku adkeystay inuusan arrintaas dowladda ku taageeri karin.

Mursal iyo xukuumadda ayaa ku kala tagay arrinta Roobow, waxaana fashilmay dhawr kulan oo arrintaan looga hadlayey waaba midda keentay inuu Mursal ka hor imaado kala diristii Guddiga maaliyadda ee Baalarmaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com