Guddoomiye Tarsan “Iib ma ahan gabdhaheena”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nur Tarsan ayaa ka hadlay qorshe dowlada Uganda ku gacan seertay dowlada Sacuudiga oo ahaa in haweenka waxbartay loo diro dalka Sacuudiga si ay kaga shaqeystaan.

 Gudoomiyaha oo saxaafada la hadlay ayaa shaaciyay in dowlada Soomaaliya dhankeeda looga baahan yahay iney ka laabato go’aanka ay haween Soomaaliyeed ugu doreyso dalka Sacuudiga si halkaasi ay kaga soo shaqeystaan.
Maxamuud Tarsan, ayaa si cad u sheegay in haweenka Soomaaliyeed aysan iib aheyn oo aan la geyn karin dalka Sacuudiga si ay ugu shaqeystaan dadka Carabta ah ee ku nool daka Sacuudiga.
Wuxuu si cad u sheegay in dowlada ogaato in hablaha Soomaaliyeed ay yihiin sharafta iyo karaamada Ummaa Soomaaliyeed, sidaasi daraadeedna aysan habooneyn iney sacuudiga shaqaale ahaan dowlada ugu iib geyso.
“Gabdhaha Somaaliyeed waa sharafkii Ummadda waa karaamadii dalka. Sharafka ummadda iyo karaamada dalku IIB MA AHA”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Dowlada Uganda ayaa maalin ka hor si cad u sheegtay iney joojisay in haweenka waxbartay loo dhoofiyo dalka Sacuudiga si ay kaga shaqeystaan goobaha shidaalka, kadib markii ay soo gaareen cabashooyin badan oo kaga imaanayay haweenka ku sugan dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com