Xaliimo Yarey oo gaartay Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleeyada Galmudug.

Xaliimo Yarey ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan guddiga qaran ee doorashooyinka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Gamudug.

Ujeedka safarkeeda ayaa sidoo kale salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda ku sugan magaaladaasi.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shirar looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashada waxaana ku ballansan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid isku cakarin, iyada oo lagu guda jiro marxalad kala guur ah.

Si kastaba ha’ahaatee dhowaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa shaaciyey in aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan wada-tashi guud.