Sanbaloolshe oo arrin yaab leh kula taliyey MADAXDA maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugida, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi cusub siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021.

Sanbaloolshe ayaa marka hore sheegay inay muhiim tahay in doorashada lagu qabto waqtiga heshiiska lagu yahay, si looga baaqsado xasilooni darro xilligaan timaada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, wuxuuna sheegay in shirkaas lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

Taliyihii hore ee NISA oo si weyn u macaarada madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoggaanka dowlad goboleedyada dalka kula taliyey inay ku adkeystaan mowqifkooda, si ay dalka uga dhacdo la wada ogol yahay oo xor iyo xalaal ah.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia aysan daacad ka aheyn dadaallada socda ee doorashada, isaga oo xusay in madaxweyne Farmaajo uu weli ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku tilmaamay inay riyo maalmeed tahay .

“Farmaajo inta aan ka aqaan waa nin aan ka guurin ama ka fuqin meesha uu ku dhago, waxaa dhici karta dib u gurasho inuu sameeyo oo aanu tanaasul dhab ah la imaan, Nimankaan maamul goboleedyada waa in mowqifkooda adkeeyaan oo aysan waqti iska lumin oo meesha dabeel ku dilin wixii ay go’aamiyaan ha difaacdaan.” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli muran badan uu ka taagan yahay doorashooyinka 2020/2021, waxaana socda shirarkii ugu dambeeyey ee go’aan looga gaarayo doorashooyinkaasi, waxaa haatan lagu ballansan yahay gudaha magaalada Dhuusamareeb oo ay isugu tagayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.