Xildhibaanno ka tirsan BF oo dalab culus hor-dhigay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka aha ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay shirka Dhuusamareeb ka dhacaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Warar laga soo xigtay Villa Somalia ayaa sheegaya in xildhibaanada ka qeyb-galay kulanka oo gaarayey 100 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen in aanu aqbalin qorshaha ay wadaan madaxda maamul goboleedyada ee ah in la aado doorasho dadban.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweynuhu ku war-geliyey xildhibaanada uu la kulmay inuu tagayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, balse uu la wadaagi doono waxa ka soo baxa shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada ee ka dhacaya halkaasi, si ay talo ugu yeeshaan.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa horey shaaciyey in dalka aysan ka dhicin karin doorasho qof iyo cod ah, kadib shir u gaar ah oo ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa shirkaasi ka soo horjeestay guddoonka Golaha Shacabka oo isna shalay shaaciyey in maamul goboleedyada aysan go’aan ka gaarin gaarin doorashada 2020 illaa 2021 iyo nooca ay noqoneyso, balse laga rabo BF Soomaaliya.