Guddoomiye xisbi oo maanta looga yeeray xarunta dambi baarista ee CID + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa maanta looga yeeray xarunta dambi baarista CID ee Hargeysa, isaga oo marka uu tegay su’aallo dheeraad ah lagu weydiiyey halkaasi.

Xiris Cali ayaa waxaa la socday marka uu tegayey xarunta dambi baarista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo xildibaan Barkhad Baatuun.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha su’aallo laga weydiiyey shirkii jaraa’id ee uu dhowaan qabtay, kaas oo uu ku eedeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrinta ugu weyn ee Xirsi Cali Xaaji loo heesto ayaa ah hadalkii uu sheegay ee ahaa in Muuse Biixi uu heesto baasaboorka dalka Jabuuti.

Illaa iyo hadda saraakiisha Somaliland iyo xukuumaddaba kama hadlin arrintan iyo eedeymaha loo jeedinayo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta xisbiga oo ka hadlay dhacdadan ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda, waxayna sheegeen inay wado caburin ka dhan siyaasiyiinta kasoo horjeedo.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn, waxaana sidoo kale magaalada Hargeysa isugu soo baxay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Wadani ee ka dhisan Somaliland.

Si kastaba, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar ee sanadkii dhammaaday ee 2021-kii loo doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu loolan kala dhexeeyo xisbiga Kulmiye.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii