Qodob xasaasi ah oo la isku mari la’yahay shirka Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in maanta uu galo maalintii saddexaad, ayada oo uu horyaallo qodob ay adag tahay in heshiis laga gaaro oo la xiriira amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobkan ayaa ah in Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo in shirka isku raaco in amniga dalka si buuxda loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan arrintan marnaba qorshuhu ugu jirin, hase yeeshee wuxuu yimid kadib isku daygii fashilmay ee 27-ka December lagu qabsan lahaa xafiisiisa, taasi oo uu ku qeexay “afgambi,” kuna eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

Rooble ayaa waxaa sidoo kale arrintan ku cadaadinaya Midowga Musharaxiinta oo rumeysan in Farmaajo oo gacanta ku haya awoodda amniga iyo ciidanka dalka aysan dhici karin doorasho hufan.

Qoraal ay shalay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.

Si kastaba, qodobkan ayaa waxaa aad uga soo horjeestay Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo, waxaana ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay inoo xaqiijiyeen inaysan marnaba aqbali doonin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii