Guddoomiye Yariisow oo markii u horeysay ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada.

Isaga oo ka hor hadlayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay dadka ku nool gobolka Banaadir inay u baahan yihiin helida xuquuqda matalaada siyaasadeed ee ay dalka ku leeyihiin.

Gudoomiye Yariisow, ayaa wuxuu tilmaamay maqaamka caasimada oo ku yimaada arrin Dastuuri ah in ay tahay waxa ay u baahan yihiin bulshada gobolka Banaadir ku nool.

“ Waxaan dalbaneynaa Xuquuqdii ay lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolka , gobolka Banaadir wuxuu la mid yahay gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxaa ay rabaan matalaad in ay ku helaan Aqalka Sare, waxa ay rabaan maqaamka in la dadajiyo, Anagana waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka 9aad, Maqaam ku yimid si hab Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan Shacabka lagala tashtay”ayuu yiri Yariisoow

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay doonayaan maqaam ku yimaada si nidaam oo dastuuri ah, isla markaana shacabka lagala tashtay, isagoo xusay in talada shacabka Gobolka Banaadir la soo uruurinayo, loona soo gudbin doono  Xukuumadda iyo Baarlamaanka sida uu yiri.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ay culeys ku qabaan kulamada Baarlamaanka oo waddooyinka muddo la xiro, isago dalbaday in la qafiifiyo xirnaanshaha waddooyinka, isla markaana waqtiyada la qabanayo kulamada la soo gaabiyo, isagoo soo jeediyay in kulamada Baarlamaanka la qabto xilliyada habeenkii, si culeyska u yaraado.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in bulshada dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha Waddooyinka magaalada xilliyada ay Baarlamaanka shirayaan.

Waxaa uu ka dalbaday ugu danbeyntii xubnaha Golaha Shacabka in Wadooyinka aanan laga xiran shacabka Soomaaliyeed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu caadi ku noqdo.

Arrimaha Maqaamka Caasimadda ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo la rumeysan yahay in waxyaabihii xilka looga qaaday Maamulkii hore ee Gobolka inay sabab u aheyd arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan wali la caddeyn, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay xuquuq fara badan uga maqan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com