Guddoomiyihii G/MUDUG ee Puntland oo lagu dilay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxaas oo ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre.

Sida loo xaqiijiyey Caasimadda Online, qaraxaas waxaa ku geeriyooday Guddoomiye Axmed Muuse Nuur-Yare oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada.

Taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyey xarunta gobolka horteeda.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi.

Wax ka yar laba bil un ka hor ayey ahayd markii 29-kii March, uu sidoo kale guddoomiyihii gobolka Nugaal ee Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.