Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal, Cirro oo xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Maxamed Xasan Cirro oo ahaa guddoomiyihii guddiga tan iyo markii la aasaasay.

Kulan ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer Federal oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in xilkii laga qaaday kadib markii laga soo gudbiyey mooshin iyo eedeyn.

Guddiga ayaa guddoomiyihii hore ku eedeyeey shaqo gudasho la’aan iyo inuu ku milmay siyaasadda.

Qodobada ay soo saareen guddiga ee lagu eedeeyey guddoomiye Cirro ayaa kala ahaa:

1- In guddoomiye Maxamed Xasan uu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada.
2- Inuusan wax wada-tashi ah la sameyn guddoonka iyo guddiyada intiisa kale.
3 – In uu lumiyey madax banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baal maray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada Dalka.
4- Inuu iska qaatay go’aano qatar u keeni kara doorashada oo uusan guddiga waxba ka ogeyn kuna matalin.
5- inuu sabab u noqday guddoomiyaha inuu xumaado xiriirkii ka dhaxeeyey guddiyada dhexdooda iyo golaha wada-tashiga Qaranka.
6- Wada-shaqeyn xumo u dhaxeysa guddoomiyaha, guddiyada heer maamul Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Halkaan hoose ka daawo xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiye Cirro

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii