Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galey munaasabadda xuska 78-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasay ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Farmaajo oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ka hadlay doorashada ka socoto dalka, wuxuuna ku baaqay in aan lagu dag dagin isbadal lagu sameeyo heshiiska 17-septembar oo ay wada saxiixdeen Madaxda Dowladda Federaalka Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo,” ayuu yiri Farmaajo.

”Madaxweynayaasha iyo Ra’iisulwasaaraha waa inay diiradda saaraan qabsoomidda doorasho hufan caddaalad ku dhisan qof walba oo muwaadin ahna u tartamikaro,waxa nalaka sugaayo waa doorasho.”

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli la filayo inay dhawaan kulan Muqdisho ku yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaran, waxayna warar soo baxayo sheegayaan inay qorsheynayaan in wax laga badalo qaabka ay u socoto doorashada weliba si gaar ah in hal deegaan doorasho laga dhigo.

Hadalka Farmaajo ayaa u muuqda farriin loo dirayo madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble isla markaasna looga digayo inay wax ka badalaan heshiiskii horey loo saxiixday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii