Magacyada shaqsiyaadka uu Axmed Madoobe la rabo kuraasta la shaaciyey (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Durba waxaa soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.

Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.

Waxaa fashilmay qorsho uu Axmed Madoobe ku doonayey in ergada soo dooraneyso dhammaantood laga dhigo Askar isaga ka amar qaata, waxaana qorshahaan Axmed Madoobe la waday guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland.

Kuraasta hadda lagu dhawaaqayo doorashadooda ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe doonayo inay kusoo baxaan shaqsiyaadka hoose ku qoran:

Kursiga iyo qofka la siinayo

HOP#217: Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firinbi)
HOP#203: Xamza Cabdi Barre (Gudoomiyahii doorashada Axmed Madoobe)
HOP#082: Cabdirashid Jire Qalinle (Wasiirka madaxtooyada Jubaland)
HOP#028: Cabdiniur Cali Aadan
HOP#134: Sahra Jaamac Cali (Sahra Qoorsheel)
HOP#113: Maryan Aweys Jamac (Wasiiradda gaadiidka badda)
HOP#136: Cumar Yuusuf Galadiid, waxaa kursiga loo diidan yahay Colneel Khaalid Cabdullahi
HOP#072: Cabdirashiid Maxamed Xidig, waxaa kursiga loo diidan yahay Cabdi Cali Raage
HOP#219: Rooda Carab (Jinni Boqor) iyo Koojaar midkood, waxaa kursiga loo diidan yahay xildhibaan Cabdifatax Maxamed Cali.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii