Guddoomiyihii muddada u kordhiyey Lafta-gareen oo fasiraad yaab leh bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa fasiraad cusub ka bixiyey muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed waxay kordhiyeen muddo xileedka madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen shan sano, halka uu markii hore ahaa afar sano.

Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid ay isku waafajiyeen muddo xileedka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse aanay aheyn muddo kordhin.

“Waxaan u arkeynay arrin sharci ah ee mudo kororsi ma aheyn, markii aan tallaabadaas qaadnay waxaan muhiim u arkeynay in la is waafajiyo mudo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka,” ayuu yiri Fiqi.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka K/Galbeed wuxuu sidoo kale sheegay in go’aankaas si weyn looga dooday inta aan la qaadan, isla markaana la go’aamiyey in madaxweynaha hal sano loogu daro.

“Arrintaan markii laga dooday waxaa la isku qabtay in baarlamaanka 3-sano lagu soo kobo iyo in madaxweynaha sanad loogu daro oo baarlamaanka uu la dhameysto, marka waxaa batay fikirka ah in Madaxweynaha sanad loogu daro, sidaas ayuuna go’aankaan u dhacay,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.

Fiqi oo la weydiiyey waxa ka jira in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed uu weli quud-dareynayo ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aashaas.

Ugu dambeyntii Cali Saciid Fiqi ayaa ku baaqay in laga feejignaado in xukunka lagu diriro oo K/Galbeed qalalaase la geliyo, isagoo soo jeediyey in qof kasta uu masuuliyadiisa qaato.

Hoos ka dhageyso wareysiga