Dhoobo-Daareed iyo Saciid DENI ‘oo heshiis gaaray’

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo haatan dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa oo haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Dhoobo-Daareed oo muddo ka badan saddex sanno ka maqnaa Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan iska beddaleen xaaladda Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland waxaan moogahay saddex sanno iyo laba bilood meelahaas wejiga aan kaga tegay iyo kan aan maanta ugu imid waa kala duwan yihiin,” ayuu yiri Dhoobo-Daareed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafkii kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Deni ee gacan ka hadalka sababay, wuxuuna xaqiijiyey in haatan ay ka heshiiyeen wixii horay u dhacay.

“Waa wax dhaca siyaasadda in lagu kala shakiyo oo la’isku qabto, waana ka heshiinay aniga iyo madaxweyne Saciid Deni” ayuu markale yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday ujeedka safarkiisa la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowgeeda.

“Aniga iyo wafdiga siyaasiyiinta ah ee ila socda waxaan u soconaa inaan reerka wax ka rarno,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland ayaa haatan isku diyaarineysaa doorashooyin guud oo kusoo foodleh, waxaana deegaanada maamulkaas kusii qul-qulaya siyaasiyiin fara badan, walow uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxtooyada iyo ururada siyaasadda.