Lafta-gareen oo qaaday tallaabo xasaasi oo ka dhan ah nabadoonka beesha Roobow

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maamuus ka xayuubin ku sameeyay Nabadoonkii matalayay Mukhtaar Roobow, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka ayaa lagu sheegay in xilkii Malaaqnimo laga qaaday Malaaqii Beesha Leysaan, kaasi oo lagu magacaabo Malaaq Mad Eddow.

Wasaaradda ayaa tallaabadan ku sababeysay kadib markii eedeymo beesha dhexdeeda ah loo jeediyay Malaaq Mad Eddow, kuwaasi oo la xiriira takrifal awoodeed iyo kala qeybinta beesha Leysaan dhexdeeda, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda.

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed markuu garawsaday in eedeynta laga soo jeediyay ay dhab tahay, markuu aqoonsaday in markii hore ee xilka Malaaqnimada loo dhiibay aan loo marin hab dhaqankii loo mari jiray doorashada Malaaqa Beesha, wuxuu go’aamiyay in laga billaabo maanta wuxuu xilka malaaqnimo ee beesha ka qaaday Malaaq Mad Eddow.”

Sidoo kale waxay wasaaradda fartay nabadoonada beesha Leysaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo doortaan Malaaq u cadaalad fala oo beeshu ku kalsoon tahay.

Kadib warqad kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay lid ku tahay nabada iyo wada-noolaanshaha beelaha dega Bay iyo Bakool, iyaga oo ku eedeeyayna inuu ka dambeeyo madaxweyne Lafta-gareen.

Tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa sidoo kale waxa ka dhashay weydiimo la xiriira sida Malaaq ay duubatay Beel uu xilka uga qaadi karo masuul ka tirsan dowlad-goboleed, maadaama xilka nabadoonimo ay u caleemo saartay beeshiisa.