“Guddoonka BF ayaa sabab u ah fashilka iminka socda, mana la aqbali karo” Waxaa sidaas yiri…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan kulamada BF Somalia uu ku yimaado dib u dhac, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka mid ah Xubnaha BF Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhacdo waliba oo ka dhacda Xarunta BF Somalia ay sabab u yihiin Xildhibaanada, waxa uuna tilmaamay in kulamada baaqanaaya ay ka danbeyso Siyaasad.

Xildhibaan Aabi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu la socdo dhamaan talaabooyinka Xildhibaanada islamarkaana dhowr sabab ay leedahay in kulamada ay baaqdaan wax walba oo eed ah uu qaadanayo Guddoonka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxa uuna ku eedeeyay inay ka muuqato dabacsanaan.

Aabi waxa uu carabka ku dhuftay in iminka madasha ay ka maqan yihiin 50 xildhibaan oo la fasaxay, sidoo kale siminaar loo diray Laba guddi, taasna ay sahashay in fadhiyada uu leeyahay Baarlamaanka ay baaqdaan.

Waxa uu soo hadalqaaday in Xildhibaankii maqnaada ama safra uusan laheyn wax Ciqaab ah, waxa uuna taasi ku tilmaamay mida kaliya sababta u ah in Xildhibaanada ay maskaxdooda ka maamushaan kulamada dhacaaya.

Xildhibaan Aabi ayaa sheegay hadii aanay guddoonka Baarlamaanka isbedal ku sameyn arrintaan ay shaqo badan baaqan doonto, islamarkaana ay iyaga Mas’uul ka noqonayaan.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili maalin ka hor uu baaqday kulan ay lahaayen Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kaasi oo arimo badan looga hadli lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com