ETHIOPIA oo madaxa isku galisay maamullada Jubbaland iyo Gedo iyo Khilaaf cusub oo taagan

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lagu soo waramayaa in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhextaagan yahay Maamulka Jubbaland iyo Maamulka ka arimiya Gobolka Gedo, kadib markii leysu qabtay lahaanshiyaha deegaanka Baardheere.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamad Cabdi Kaliil, ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland aysan deegaan ahaan laheyn Gobolka Gedo, waxa uuna sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa ay wadaan xadgudub.

Kaliil waxa uu meesha ka saaray hadallo kasoo yeeray maamulka Magaalada Kismaayo, oo sheegayay in magaalada Baardheere iyaga loo qabtay, oo ay maamul u sameynayaan.

Isaga oo la hadlaayay warbaahinta ayuu sheegay in cidda Magaalada qabatay ay tahay Ciidamada AMISOM oo ka kala socda Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, cidda loo qabtayna iyaga yihiin.

Waxa uu Kaliil ku goodiyay inuu talaabo qaadi doono waa hadii Maamulka Jubbaland uu xadidi waayo Siyaasada dhul balaarsiga oo ay wadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Kaliil ayaa kusoo aadaya iyadoo uu khilaaf ka dhaxeeya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, kuwaasoo ku muransan cidda loo dhiibayo maamulka Magaalada Baardheere iyo guud ahaan Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com