XASAN Sheekh oo magacaabay taliyayaal cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu magacaabay Taliye ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan oo tixraacaayay baahiyaha ay Ciidamada Booliska u qabaan magacaabista Taliyayaashaasi ayaa waxa uu magacaabistaasi ka shaaciyay Munaasabada magacaabista oo ay goobjoog ka ahaayen Taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Labada Taliye ee lagu magacaabay Digreetada.

Taliyayaasha la magacaabay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mukhtaar Xuseen Afrax oo loo magacaabay taliye ku xigeenka koowaad iyo Bashiir Cabdi Maxamed taliye ku-xigeenka labaad.

Madaxweynaha ayaa magacaabista u cuskaday dastuurka oo siinaya awoodda magacaabista taliyeyaasha ciidamada iyo ku-xigeenadooda.

Dhanka kale, Digreetada ayaa lagu xusay in shaqada Taliyayaashaasi ay bilaabaneyso laga bilaabo goorta ay soo baxdo warqadahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com