Qorshaha AXMED MADOOBE oo laga hor-yimid

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, madaxweynaha waqtigiisa ka dhiman tahay 12 maalin ayaa doonaya qorshe loogu dheereynayo waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubba, oo dhawaan la qorsheynayo iney ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubba ayaa si cad kaga hor yimid qorshaha  madaxweynaha maamulka Jubba uu damacsan yahay ee ku aadan in la kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Jubba.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed “Coley”, oo kamid ah xildhibaanada maamulka Jubba ayaa sheegay ineysan marnaba dib u dhigi doonin waqtiga ay dhaceyso doorashada maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka maamulka Jubba aysan marnaba ka laaban doonin go’aanka ay qaateen oo ku gacan seyreen dalabka iyo qorshah uu damacsanaa maamulka Jubba.

“Annaga waqti ayaan qabsanay oo aan ku sheegnay iney doorashada dhaceyso, mana ka laaban doono waqtiga aan qabsanay weyna dhaceysaa doorashada”ayuu yiri xildhibaan Shire Cabdi.

Axmed Madoobe ayaa damacsan in waqtiga loo kordhiyo si ay isku diyaariyaan doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com