Guddoonka BF & Xildhibaano kulan degdeg ah ka yeeshay Hadalkii Xeer Ilaaliyaha (Xiisad cusub)

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xarunta Villa Hargeysa uu kusoo dhamaaday kulan degdeg ah oo u dhexeeyay Guddoonka BF iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan isla baarlamaanka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay hadal uu maanta soo saaray Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir kaa oo lagu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo laba Xildhibaan oo ka tirsan BFS kuwaa oo lagu eedeeyay Qaran dumis.

Kulanka oo ay banana jog ka ahaayen Wariyayaasha ayaa waxaa diirada lagu saaray haddalka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka waxa ayna Xildhibaanadu dareen ka muujiyeen hadalka Xeer Ilaaliyaha.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in hadalkaas uu ahaa mid xadgudub ah iyo weerar lagu soo qaaday Baarlamaanka, halka qaarna ay sheegen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga dhex saaro Xildhibaankii qas ku haya dalka.

Xildhibaanada oo ku kala aragti duwanaa haddalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxa ay qaarkood taageeren Xeer ilaaliyaha, halka qaarna ay ka taageeren Xildhibaanada Mucaaradka ee farta lagu fiiqay.

Xildhibaanada garabka siiyay Xil. Xasan Macalin iyo Saabir, ayaa sheegay in hadalka xeer Ilaaliyaha uu gef ku ahaa Xildhibaanada, isla markaana ay doonayan inay kala xisaabtamaan, waxaana ay soo jeediyeen in kalfadhiga Baarlamaanka dib loo furo.

Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegaya in laga yaabo xaaladan soo korortay darteed uu Guddoonka Golaha shacabka u soo saaro war saxaafadeed ku aadan jawaabta Xeer Ilaaliyaha iyo dareenkii Xildhibaanada ka muujiyeen.

Dhinaca kale, arrintaan ayaa xiisad ka dhex abuuri doonta Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ah, waxaana suuragal ah in qaabab kale loo rogo arrinkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com