Guddoonka labada gole ee BF oo bilaabay qorshe aysan raali ka aheyn Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabay qorshe aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia, taas oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya.

Xaaashi iyo Mursal, oo muuqda kuwa gudanaya waajibka saaran islamarkaana doonaya iney ka dhowrsadaan eedo u imaan kara haddii ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, ayaa billaabay iney muujiyaan mas’uuliyada baarlamaanka ee doorashada Soomaaliya iyo doorka weyn oo ay leeyihiin.

Labada guddoomiye ayaa billaabay in nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta ay kala tashtaan Xisbiyada mucaaradka, halka dhawaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad gobaleedyada dalk,a sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kadib la filayaa in baarlamaanka go’aan ku soo saaro hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay guddoomiyaasha ka dalbadeen in baarlamaanka ka fikiro sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya taasina ay diideen labada Guddoomiye iyagoo cadeeyay in doorashada waqtigeeda ku qabsoomi doonto.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha ayaa qaba damac muddo kordhin ah iyagoo sabab kaga dhigaya xaaladda Covid-19 iyo arimo kale inkastoo aysan wali banaanka usoo bixin rabitaankaas balse waxaa diidan mucaaradka iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadkaan 2020.